Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixinaya Miisaaniyada Sanadeedka 2008

Hargeysa(Afgarad)- Golaha wakiilada Somaliland, ayaa fadhigooda maalinta bari oo khamiis ah u balansan inay ansixiyaan Miisaanid sanadeedka xukuumada dhexe iyo dekada Berbera, oo uu 6-dii bishan horkeenay Wasiirka Maaliyada Somaliland Md. Xuseen Cali Ducaale [Cawil]. Read more »

Ogaysiis

waxa akhristeyaasha sharafta leh la ogaysiinayaa in dhawaan aad wararka ka heli doontaan shabakada wararka ee Afgaradnews.com, hase yeeshee imika aad sii akhrisan kartaan blogan shabakada

fadlan waxaad nagala soo xidhiidhi kartaan afgaradnews@hotmail.co.uk

 

mahadsanid

Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay Xubin Cusub Oo Komishinka Doorashooyinka Ka Tirsan Xubin Kalena Shaqadiisii Dib Ugu Celiyay

Hargeysa-(Afgarad)-Mudaneyaasha Golaha wakiilada Somaliland , ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Md. Cali Maxamed C/Laahi, oo xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, ay u soo xuleen buuxinta xubinimadii Komishinka Doorashooyinka Somaliland, ee uu dhawaan iska casilay Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan. Read more »

Salaadiin Iyo Cuqaal Cambaareeyay Talaabadii Xukuumada Somaliland Ay Itoobiya Ugu Gacan Galisay Laba Nin

Hargeysa-(Afgarad)-Suldaan Cali Baane oo ka tirsan salaadiinta gobolka Hargeysa iyo afar iyo toban xubnood oo isugu jiray cuqaal iyo wax garad kale, ayaa cambaareeyay talaabadii xukuumada Somaliland, todobaadkii hore ay dawlada Ethiopia, ay ugu gacan galisay 12 bishan laba nin oo deganaa magaalada Hargeysa, oo ka soo jeeday soomaalida Kililka shanaad ee dalka Itoobiya. Read more »

Qurxinta Fagaaraha Beerta Xoriyyada Iyo U Diyaar Garowga 17 Guurada Dib Ula Soo Noqoshada Madax banaanida Somaliland

Hargeysa-(Afgarad)-Sanadguurada 17aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada Madaxbanaanida Somaliland, ayaa qaban qaabadeeda aad looga dareemayaa magaalada Hargeysa iyo Magaalooyinka waawayn ee dalka. Read more »

Ogaysiis

Ogaysiis

Dhamaan akhristeyaasha sharafta leh waxa la ogaysiinayaa in shabakada cusub ee Afgaradnews.com, oo dhismeheedii socdo ay dhawaan bilaabi doonto baahinteedii, sidaasi darteed, waxa akhristeyaasha la ogaysiinayaa inay sidaasi ula socdaan

Kala soo xidhiidh emailadan afgaradnews@gmail.com, afgaradnews@hotmail.co.uk

Ciidanka Booliiska Gobolka Sool Oo Gacanta Ku Dhigay 386 Milyan Oo Shilin Somali False Ah Iyo Badeecado Koontarabaan Ah.

Laascaanood-(Afgarad)-Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Gen.Maxamed Saqadhi Dubad ayaa shaaca ka qaaday ciidanka Booliiska G/Sool ay kaantaroolka bari ee magaalada Laascaanood ku qabteen 386 Milyan shilin Somali false ah iyo Badeecado raashino kala duwan ah oo dalka la soo galinayay. Read more »

Madaxwaynaha Somaliland Oo Caawa Magacaabay Gobolka Cusub Ee Howd Oo Ay Magaalo Madax U Tahay Magaalada Balaygubadle

Hargeysa-(Lug)-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin ayaa waxsaxaafadeed uu caawa soo saaray shaaca magacaabista Gobolka Howd oo ay magaalo madax u tahay magaalada Balaygubadle. Read more »

Golaha Guurtida Oo Difaacay Go’aankoodii Muddo Kordhinta Ee Madaxwayne Rayaale

Hargeysa-(Lug)-Shir gudoonka golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen Xaruntooda ku adkaystay inuu sharci ahaa go’aankii ay dhawaan Madaxwaynaha Somaliland iyo ku xigeenkiisa ay ugu kordhiyeen muddo hal sano ah xilhayntooda oo ku ekayd 15 May 2008.

Read more »

Diidmada Isticmaalka Lacagta Soomaaliland Ee Duugga Ah Iyo Madaxtinnimada Reer Boorama Ee Soomaaliland Ma Isqaban Karaan ?

Borama-(Lug)-Waa shay loo baahan yahay in qof kasta oo ka tega gobolada kale ee Soomaaliland  ee Galbeedka loosii sheego arrimo  uu u haysto  inay iska caadi yihiin balse marka uu tego magaalada Boorama fajiciso ku noqota.Waa tan koowaade qofka musaafurka ah ee ka tegeya Hargeysa ama Berbera  socdaalna ku tegeya Boorama looga baahan yahay inuu sii qaato lacagta Shilinkla Soomaaliland oo aad mooddo inay hadda wershedda kasoo baxday ,isla markaana aan lagu arag duugnimo ,dhaawacyo ,iyo jeex yar .Waa tan labaade qofka Soomaaliga ah ee safarka ku tega Boorama waa inuuna la yaabin eyda aad-dhaafka ahi haddii ay u diidaan hurdada habeenkii amaba uu debed uga baxo  gurigiisa  dhulka oo madow waxa dhici karta inuu dhaawac kasoo gaadha eyda jiifta deribiyada .
Read more »