Posted on May 28, 2008 by afgaradnews
Hargeysa(Afgarad)- Golaha wakiilada Somaliland, ayaa fadhigooda maalinta bari oo khamiis ah u balansan inay ansixiyaan Miisaanid sanadeedka xukuumada dhexe iyo dekada Berbera, oo uu 6-dii bishan horkeenay Wasiirka Maaliyada Somaliland Md. Xuseen Cali Ducaale [Cawil].
Filed under: Uncategorized | Leave a Comment »
Posted on May 28, 2008 by afgaradnews
waxa akhristeyaasha sharafta leh la ogaysiinayaa in dhawaan aad wararka ka heli doontaan shabakada wararka ee Afgaradnews.com, hase yeeshee imika aad sii akhrisan kartaan blogan shabakada
fadlan waxaad nagala soo xidhiidhi kartaan afgaradnews@hotmail.co.uk
mahadsanid
Filed under: Uncategorized | Leave a Comment »
Posted on May 20, 2008 by afgaradnews
Hargeysa-(Afgarad)-Mudaneyaasha Golaha wakiilada Somaliland , ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Md. Cali Maxamed C/Laahi, oo xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, ay u soo xuleen buuxinta xubinimadii Komishinka Doorashooyinka Somaliland, ee uu dhawaan iska casilay Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Filed under: Uncategorized | Leave a Comment »
Posted on May 19, 2008 by afgaradnews
Hargeysa-(Afgarad)-Suldaan Cali Baane oo ka tirsan salaadiinta gobolka Hargeysa iyo afar iyo toban xubnood oo isugu jiray cuqaal iyo wax garad kale, ayaa cambaareeyay talaabadii xukuumada Somaliland, todobaadkii hore ay dawlada Ethiopia, ay ugu gacan galisay 12 bishan laba nin oo deganaa magaalada Hargeysa, oo ka soo jeeday soomaalida Kililka shanaad ee dalka Itoobiya.
Filed under: Uncategorized | Leave a Comment »
Posted on May 17, 2008 by afgaradnews
Hargeysa-(Afgarad)-Sanadguurada 17aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada Madaxbanaanida Somaliland, ayaa qaban qaabadeeda aad looga dareemayaa magaalada Hargeysa iyo Magaalooyinka waawayn ee dalka.
Filed under: Uncategorized | Leave a Comment »
Posted on May 17, 2008 by afgaradnews
Ogaysiis
Dhamaan akhristeyaasha sharafta leh waxa la ogaysiinayaa in shabakada cusub ee Afgaradnews.com, oo dhismeheedii socdo ay dhawaan bilaabi doonto baahinteedii, sidaasi darteed, waxa akhristeyaasha la ogaysiinayaa inay sidaasi ula socdaan
Kala soo xidhiidh emailadan afgaradnews@gmail.com, afgaradnews@hotmail.co.uk
Filed under: Uncategorized | Leave a Comment »
Posted on May 16, 2008 by afgaradnews
Laascaanood-(Afgarad)-Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Gen.Maxamed Saqadhi Dubad ayaa shaaca ka qaaday ciidanka Booliiska G/Sool ay kaantaroolka bari ee magaalada Laascaanood ku qabteen 386 Milyan shilin Somali false ah iyo Badeecado raashino kala duwan ah oo dalka la soo galinayay.
Filed under: Uncategorized | Leave a Comment »
Posted on May 14, 2008 by afgaradnews
Hargeysa-(Lug)-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin ayaa waxsaxaafadeed uu caawa soo saaray shaaca magacaabista Gobolka Howd oo ay magaalo madax u tahay magaalada Balaygubadle.
Filed under: Uncategorized | Leave a Comment »
Posted on May 14, 2008 by afgaradnews
Hargeysa-(Lug)-Shir gudoonka golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen Xaruntooda ku adkaystay inuu sharci ahaa go’aankii ay dhawaan Madaxwaynaha Somaliland iyo ku xigeenkiisa ay ugu kordhiyeen muddo hal sano ah xilhayntooda oo ku ekayd 15 May 2008.
Filed under: news | Leave a Comment »
Posted on May 13, 2008 by afgaradnews
Borama-(Lug)-Waa shay loo baahan yahay in qof kasta oo ka tega gobolada kale ee Soomaaliland ee Galbeedka loosii sheego arrimo uu u haysto inay iska caadi yihiin balse marka uu tego magaalada Boorama fajiciso ku noqota.Waa tan koowaade qofka musaafurka ah ee ka tegeya Hargeysa ama Berbera socdaalna ku tegeya Boorama looga baahan yahay inuu [...]
Filed under: news | Leave a Comment »