Diidmada Isticmaalka Lacagta Soomaaliland Ee Duugga Ah Iyo Madaxtinnimada Reer Boorama Ee Soomaaliland Ma Isqaban Karaan ?

Borama-(Lug)-Waa shay loo baahan yahay in qof kasta oo ka tega gobolada kale ee Soomaaliland  ee Galbeedka loosii sheego arrimo  uu u haysto  inay iska caadi yihiin balse marka uu tego magaalada Boorama fajiciso ku noqota.Waa tan koowaade qofka musaafurka ah ee ka tegeya Hargeysa ama Berbera  socdaalna ku tegeya Boorama looga baahan yahay inuu sii qaato lacagta Shilinkla Soomaaliland oo aad mooddo inay hadda wershedda kasoo baxday ,isla markaana aan lagu arag duugnimo ,dhaawacyo ,iyo jeex yar .Waa tan labaade qofka Soomaaliga ah ee safarka ku tega Boorama waa inuuna la yaabin eyda aad-dhaafka ahi haddii ay u diidaan hurdada habeenkii amaba uu debed uga baxo  gurigiisa  dhulka oo madow waxa dhici karta inuu dhaawac kasoo gaadha eyda jiifta deribiyada .
Haddaba marka laga yimaado eyda faraha badan ee buuxdhaafisay magaalada waxan ka hadlaynaa dhaqan ka  duwan kan lagu arko degaanada kale ee Soomaaliland ee laga isticmaalo lacagta shilinka Soomaaliland  ee lacagtaa laga beddelay dhawr iyo toban sano ka hor .

Waxa laga yaabaa inaanay dad badani xog ogaal u ahayn sidii dadweynaha Boorama ku aqbaleen isticmaalka shilinka Soomaaliland wakhtigii dawladdii Marxuum Cigaal lasoo daabacay .Waagaa waxa la ogaa dagaalkii  dawladdii waagaasi dalka laga dhisay ay u gashay sidii reer Boorama looga sifeyn ahaa lacagta shilin Soomaaliga  ah,isla markaana Boorama looga isticmaali lahaa lacagta cusub  ee dawladdii cusbayd u keentay .

Lacgtaa oo markii Boorama la keenay ay dadweynuhu u qaateen in laga dhacayo lacagtii ay haysteen iyagoo aaminsanaa in lacagta Soomaaliland ay tahay lacag ay samaystay jabhaddii SNM ee dalka waa qabsatay ,dhibtii lagala kulmayna la ogaa in dad badan loo xidhxidhay ,kuwa kalena lagu ganaaxay ,qaar kalena  hantidoodii ula baxsaden dalalka deriska  gaar ahaanna Itoobiya oo ay Birteeda aad u icticmaalaan.

Madaxweyne kuxigeenkii hore C/Raxmaan Aw Cali ,iyo wasiirkii ganacsiga ee waagaasi  Cali waran Cadde oo weli ka tirsan dawladda Rayaale oo waagaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuuleen sidii dadweynaha gobolka looga dhaadhicin lahaa in lacagta Doomaaliland qaataan taasoo aakhirataankii ay ku guuleysteen .

5 sano kaddib oo Soomaaliland xukunkeedu gacanta u galay Madaxweyne kasoo jeeda degaanka Boorama ayaa weli Boorama laga arkayaa cudurkaa lacag  diidmada  shilinka Soomaaliland .

Dhibaatadii reer Boorama kasoo gaadhay dadkii qaadacay lacagtaasi oo sarriflayaal u badanaa ayaa waxa ka faa’iideystay kuwii waagaa gartay in lacagtani noqon doonto dahab .Ragii waagaa urusanayey lacagta Soomaaliland ayaa waxa ka mid ah sarriflaha uu weyn degaanka Boorama  ee loo yaqaan  AL-Najax kaasoo uu leeyahay nin dhallinyaro ah oo la yidhaa Idiris Aadan.

kusii dheeraan maynno dhibtii waagaa dawladdu kala kulantay lacagta Soomaaliland balse waxaan wax yar ka taabanaynaa dhibta weli lacagtaasi  dadweynaha iyo dadka socotada ahba ka haysata lacagtaasi loona baahnaa in maanta oo reer Boorama xukumaan dalkana loo baahnaa in  lacag diidnimadaasi xanuunka ku noqotay reer Boorama ay xukuumadda maantu ka daaweyso .

Waa shay lala yaabo in lacagtii dalku lahaa lagu arko iyadoo derbiyada Boorama dabayluhu hadba dhan u qaadayaan dadkii magaaladana ay haysato dhaqaale darro iyo bisaarad .Ma la odhan karaa bisaaradda xad-dhaafka ah ee Boorama dadkeeda haysata waxa ugu wacan diidmada lacagta soomaaliland ?

Markaad u dhabbo gasho sida loo jeexjeexay wax loo qorqoray ama lacagta Soomaaliland loogu bahdilay Boorama waa nin kasta oo ka yimid degaanada Laga jecelyahay lacagtaasi is odhanayaa miyeyna dadkani waddaniyiin ahayn ama aanay Soomaaliland ahayn maadaama birta Itoobiya iyo faranka Jabuutina laga jecel yahay doolarka waxay qof kasta reer Soomaaliland ah oo socoto ku yimid halkani dareemayaa arrimo ka baxsan dawladnimada.

Waa tan koowaade haddii aad lacag dhaawacan ama duug ah kala tiumaaddo magaalooyinka Hargeysa ama Berbera lagama yaabo inaad ka cashayso Boorama haddii aanad wadan Birta Itoobiya .Sida ay sannad ama laba ka hor ii sheegeen dhallinyaro ciyaartoy ahayd kana timid dugsiga Maxamuud Axmed Cali  ee Hargeysa oo ciyaar saaxiibtinnimo la samayanasay qaar mid ah ciyaartoyda Boorama ayaa habeenkii ay soo hoydeen qaar ka mid ahi ku casho  iyo quraac beeleen Boorama markii laga diiday lacagtii ay siteen oo badankeedu duug ahayd ama dhawacyo sahlani soo gaadheen .

Lagama sheekayn karo dhibaatooyinka musaafirka iyo masuuliyiinta dawladda kasoo gaadha ictimaalka lacagta Soomaaliland marka ay Boorama yimaaddaan mana jiraan  go’aammo reer Boorama u yaalla oo ay ku go’aansadeen in la diido lacaga Soomaaliland ee duugowda ,mana jiraan oo kale cadaadis dawladdu ku saarto dadka diida inay mudan doonaan ciqaab iyo ganaax .

Haddi aad weydiiso dadweynaha  waxa sababta u ah diidmada lacagta dhaawacanta ee Soomaliland shilinka ah waxay kuugu jawaabayaan dawladdaaba cashuur u qaadan weyda ama baankii naga diiday  xaggeen geynaa .Waa  cudur wada gaadhay maamulka laamaha dawladda ee dakhliga  haya ama ukeena dawladda dhexe kuwaasoo inta badan carqaladda lacagtaasi diidmadeedu u keentay waagii hore loosoo ururin jiray tan dhaawacnta ama duugowga laakiin marka ay shaqaalaha dawladda iyo kuwoodaba mushaar u siiyaan  dib loogu soo celiyo ama aan laga qaadan taasina ay kalsooni darro kale kusii abuurtay dadweynaha ka shakisan isticmaalka lacagta Soomaaliland  ee Boorama jooga.

Diidmada shuilinka Soomaaliland kuma koobna oo keliya Boorama ,balse waxa kasii daran tuulooyinka kale waxana inta badan diidmadeeda loo nisbeeya bakhaarada waaweyn oo an waxba kaga iibinayn,waxayna arrintaasi keentay in ilmo yar caano loogu iibin kari waayo  tobankun soo shilinka Soomaaliland ah oo duug ah  ,halka ad 3 ama 4 Birta Itoobiya ah oo duug  ah ama dhawacan ad ku iibsan kartid waxaad doonto .

Dhibaatada lacag diidmada  ee Boorama ayaa la odhan karaa waa mid ragaadisay dhaqaalaha shicibka ,kan dawladda  isla markaana kaalsooni darro ku abuuraysa qarannimada ,maadaama dad reer Boorama ahi dhawaanta iska daadiyeen lacag gaadhaysa tobannaankun oo shilinkii Afweyne ka tegey ah ee Soomaaliya ,waxaad dareemaysaa in reer Awdal qaarkood rajo ka qabaan inay dawladdii Soomaaliya soo noqonayso,maadaama shan iyo toban sano nin haystay  ee iska beddeli waayey lacagttii Soomaaliya aanay weli ka dhaadhac sanayn qarannimada Soomaaliland sidaa darteedna loo baahan yahay in dawladda ay hoggaamiyaan reer Boorama usoo jeesato waxa  ku dhacaya lacagtii dalkani lahaa isla markaana gacan birr ah ku qabato meesha ay salka ku hayso lacag diidmada  ama diidmada shilinka soomaaliland ee duugga ah,si dadweynaha looga badbaadiyo qiimo babarka iyo sicir bararka  ay koonfur u keentay lacagta wershedeha loo samaystay ee galaafatay maciishaddii iyo magacii dawladda Soomaaliya.

Si reer Boorama looga arko waddaninimada loogu dhiibay kursiga dalkan ugu sarreeyana loo baahan yahay inay siday kursigaa u jecel yihiin u jeclaadaan shilinka Soomaaliland  ee ay ka door bidayaan Birta iyo faranka Jabuuti .

 

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyane).
Lughaya News-Borama.

Leave a Reply