Hargeysa-(Lug)-Shir gudoonka golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen Xaruntooda ku adkaystay inuu sharci ahaa go’aankii ay dhawaan Madaxwaynaha Somaliland iyo ku xigeenkiisa ay ugu kordhiyeen muddo hal sano ah xilhayntooda oo ku ekayd 15 May 2008.
Ku simaha Gudoomiyaha Golaha Guurtida md.Sh.Axmed Sh.Nuux Fure oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa ku dooday in go’aankii ay mudada ugu kordhiyeen Madaxwayne Rayaale uu ahaa mid Sharci ah, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Golaha Guurtidu horeyso iyo Dambaysaba kuma kaco wax dastuurka ka baxsan go go’aankii Golaha Guurtidu ugu kordhiyeen Madaxwaynaha muddada halka sano ah waxa uu ahaa mid sharci ah”.
Sh.Axmed Sh.Nuux waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in siyaasiyiiinta hogaanka Xisbiyada Mucaaridka ah ay iska indho tiraan sharciga,waxana uu yidhi “Waxaan u arkayaa cidda ka buuqaysa wakhtiga yar in aanay ahayn cid doorasho doonaysa waxaana nasiib darro ah in Hogaanka Xisbiyada Mucaaridka ah ay muran galiyaan shuruucda dalka”.
Ku Simaha Gudoomiyaha Golaha Guurtidu waxa uu amaan usoo jeediyay shacbiga,Waxgaradka iyo Mujaahidiintii ururkii SNM oo uu sheegay inay si wadaniyadi ku jirto u muujiyeen sida ay u jecel yihiin nabadgalyada dalka.
Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Guurtida Md.Siciid Jaamac Cali oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sharax ka bixiyay sharciyada ay u cuskadeen muddo kordhintii, waxana uu xusay in Qodobka 83aad Fiqrada 5aad ee dastuurka dalku uu si cad u qeexayo qaabka mudada madaxwaynaha loo kordhin karo iyo cida u kordhinaysaba “Heshiishkii Xisbiyada Qaranku ay sheegeen inay gaadheen waxa uu ahaa mid sharci darro ah oo khilaafsan dastuurka,waxana ay baal mareen qodobada tilmaamaya in labada doorasho ay u dhaxayso muddo lix bilood ahi” ayuu yidhi Md.Siciid Jaamac.
Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Aqalka Odayaashu waxa uu xisbiyada Mucaaridka ah ku eedeeyey inay darjiidhayaan isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi”Axsaabtii baa dimuqraadiyada meel kaga dhacaya oo nin la doortay (Madaxwaynaha) leh meesha bane,waxaanad moodaa inay shuruucdii iska indho tirayaan”.
Md.Siciid Jaamac waxa uu ka dardaar wariyey wada hadalada Saddexda xisbi Qaran shalay uga furmay xarunta Akadamiga Nabada iyo Horumarka oo ay hagayaan Komishanka Doorashooyinku,waxaanuu yidhi “Heshiisyo iyo wada hadalo ayaa socda waxa laleeyahay Heshiisyo ayaa socda waxaanu u aragnaa gole ahaan in Wali sharcigii la garab marayo,waxaan xisbiyada iyo Komishanka u soo jeedinayaa in wada hadaladu ay ku salaysnaadaan dhinaca Sharciga”.
Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay X.Cabdi Xuseen Yuusuf(Cabdi Waraabe) oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Guurtida waxaanuu xisbiyada Mucaaridka ah usoo jeediyay in ay ka fogaadaan waxii xasiloonida iyo deganaashaha wax u dhimaya waxaanuu yidhi “Madaxda Mucaaridka waxaan leeyahay yeesha dulqaadkii iyo Hogaamintii kursiga aad doonaysaan,hadaladiinana yaanay ka muuqanin Qabyaalada iyo waxa kala qaybin kara bulshada”.
Xildhibaan X.Cabdi Xuseen waxa uu komishanka doorashooyinka ka dalbaday inay u bislaadaan howshooda oo ay raacaan shuruucda iyo Xeerarka dalka.
X.Cabdi Waraabe waxa uu shacbiga Somaliland ugu baaqay adkaynta nabadgalyada.
Wariye:-
Cumar Maxamed Faarax
Lughaya News-Hargeysa
Cumarfaarax2@hotmail.com
Filed under: news