Hargeysa-(Lug)-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin ayaa waxsaxaafadeed uu caawa soo saaray shaaca magacaabista Gobolka Howd oo ay magaalo madax u tahay magaalada Balaygubadle.
Warsaxaafadeed uu caawa soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Siciid Cadaani Mooge ayuu ku sheegay in Madaxwaynaha Somaliland uu digreeto madaxwayne ku magacaabay gobolka Howd oo ay Caasimadiisu tahay Magaalada Balaygubadle,warsaxaafadeedkaasina waxa uu u qornaa sedan:-
“Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin waxa uu digreeto Madaxwayne oo uu maanta soo saaray uu ku magacaabay gobolka Howd oo ay magaalo madax u noqon doonto degmada Balaygubadle,ka dib markii madax dhaqameedyada iyo waxgaradka gobolkaasi ay codsadeen gobolkan, isla markaana Wasiirka Arrimaha Guduhu uu soo jeediyay”.
Waxa si dhakhso ah loo magacaabi doonaa degmooyinka Gobolkan oo noqon doono Gobolka 13aad ee uu ka kooban yahay dalka Jamhuuriyada Somaliland”.
Wariye:-
Cumar Maxamed Faarax.
Afgarad News-Hargeysa.
Cumarfaarax2@hotmail.com
Filed under: Uncategorized